Ciidanka Xoogga oo howlgallo lagu xaqiijinayo Amaanka ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Bay

0
Saturday July 30, 2022 - 11:46:10 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga oo howlgallo lagu xaqiijinayo Amaanka ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Bay

    Ciidamada xoogga dalka ee ku sugaan gobolka Baay ayaa howlgallo lagu baacsanaayo kooxda Al-shabaab, waxa ay ka wadaan degmooyin ka tirsan gobolada Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugaan gobolka Baay ayaa howlgallo lagu baacsanaayo kooxda Al-shabaab, waxa ay ka wadaan degmooyin ka tirsan gobolada Bay.

Saraakiisha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan oo ka socda deegaanka Toosweyn iyo kuwo kale ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caydaruus Cabdullaahi Sheekh oo ah Amaan duulaha Ciidamada gulufka dagaal kula jira Al-shabaab ee deegaanka Tosweyne oo ka tisan Bardaale oo la hadlay wakaaladda wararka SONNA ayaa xaqiijiyay dagaalka ka dhacay Toosweyne in ay ku dileen in ku dhow 40 maleeshiyada ah oo Afar ka mid ah ay ahayeen Wariyaal u shaqaynayay Radio Andaluus, ayna bur buriyeen Saldhigyo ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen halkaas.

Maamulka degmada Bardaale ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka barakiyeen dadka shacabka tuulooyin hoostag Bardaale taasina ay sababtay in ciidamada ay dagaal la galaan maleeshiyadka naf la caariga ah ee Al-shabaab.

Tiradda dadka ay Argagixisada ka barkacisay ayaa lagu sheegayn in ay ka badan yihiin 700 oo qoys oo ka mid ah dadka deegaannadaasi dega.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip