Akhriso Hadal-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee munaasabadda kulanka dhiggiisa dalka Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

0
Tuesday July 26, 2022 - 14:37:14 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Hadal-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee munaasabadda kulanka dhiggiisa dalka Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

    #Mudane Madaxweyne Cabdulfataax el-Sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf wayn ayay ii tahay aniga iyo wafdigayga inaan maanta ku sugannahay Masar, waxaana ka mahadnaqayaa soo dhowaynta diirran ee aniga iyo wafdigayg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

#Mudane Madaxweyne Cabdulfataax el-Sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf wayn ayay ii tahay aniga iyo wafdigayga inaan maanta ku sugannahay Masar, waxaana ka mahadnaqayaa soo dhowaynta diirran ee aniga iyo wafdigayga na loogu sameeyay dalkan wayn.
Mudane Madaxweyne, in badan kama hadli doono xiriirka taariikhiga ah iyo xiriirka walaaltinnimo ee qarniyadii la soo dhaafay ka dhexeeyay Masar iyo Soomaaliya, balse xiriirka casriga ah ee ay wadaagaan labada dal wuxuu soo billowday xilligii gobonnimo u dirirka Soomaaliya ee 1950meeyadii ka dib dagaalkii labaad ee adduunka. Masar waxay door wayn ka ciyaartay xornimo u dirirka Soomaaliya ilaa heer muwaaddiniin Masaari ah ay noloshooda ku waayeen halganka xorriyadda Soomaaliya awgiis, iyo garab istaagga Soomaaliya si ay u noqoto dal madax-bannaan.
 
Waxaan xilli kasta xusuusannahay halyeygii Kamaaluddiin iyo doorkii uu cayaaray iyo go’aankii geesinnimada lahaa ee uu qaatay xilligii aan u halgamaynnay xorriyadda. Ka dib markii ay Soomaaliya heshay madaxbannaanida, Masar iyo Soomaaliya xiriir xooggan ayaa ka dhaxeeyay oo dhinac kasta taabanayay, sida dhaqaalaha, amniga iyo bixinta adeegyada bulshada. Iskuullo ay dhiseen Masaarida ayaa wali ka dhisan Muqdisho, qaybo badan oo dalka ka mid ah iyo Soomaaliya oo idil. Wali waxaa Soomaaliya laga helayaa raadad iyo astaamo ka turjumaya xiriirkeenna.
 
Marxaladihii ay Soomaaliya wajahaysay soddonkii sano ee la soo dhaafay ayaa keliya hakiyay xiriirkeennii, sidaas oo ay tahayna 30kaas sanno Masar mar kasta waa ay na garab taagnayd si ay u xaqiijiso ku soo laabashadeenna booskii aan ku lahayn fagaarayaasha caalamiga ah. Mana jirto xilli maanta kaga habboon inaan xoojinno xiriirkaas.
 
Mudane Madaxweyne, waan ka mahadcelinaynaa taageerada nala siiyay, sida gacansiinta dhanka amniga, tan bixinta adeegyada bulshada iyo waliba sida Masar ay ilaa hadda ugu heellan tahay inay sii garab istaagto Soomaaliya, una sii waddo dadaalka.
 
Taageerada aan ka heleyno Masar waa taageero gaar ah, taageero ka soo go’day qalbiga, waana caawimaad ku qotonta xiriirkeenna qaddiimiga ah iyo, sida aad Mudane Madaxweyne ka dhawaajisay, taageero gacan ka gaysanaysa danaha labadeenna dal ee gobolka iyo adduunka intiisa kaleba. Waan ka mahadcelinaynaa arrintaasi.
 
Soomaaliya qaybteeda ayay ka gaysan doontaa sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo mustaqbalka labadeenna qaran, idan Alle. Mar kale, waxaan ka mahadcelinayaa doorka Masar ee dib u dhiska Soomaaliya. Mudane Madaxweyne, adiga iyo dadweynaha Masarba waxaan idiinka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee aad ku bixinaysaan dib u dhiska Soomaaliya. Mahadsanid.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip