In Kabadan 60 Maleeshiyaad Katirsan Al-shabaab oo Lagu Dilay Degaanka Baxdo.
Maleeshiyaadka Nabadiidka Al-shabaab ayaa saaka aroornimadii weerar ku soo qaaday degaanka Baxdo ee gobolka Galguduud shacabka degaanka ayaa iska caabiyay Argagixisada iyadoo ay gaarsiiyeen khasaare xoogan waxeeyna ka dileen maleeshiyaad badan.

Qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka kumaandooska Xoogga Dalka ee
Danab iyo Daraawiishta Galmudug ayaa gurmad usoo gaarmaday dadka degaanka
intaas kadib waxaa la sii baacsaday maleeshiyaadkii nabadii Al-shabaab degaan 20 Kiilo mitir ujira degaanka Baxdo oo
hoostaga magaalada Cadaado ayay ciidanka kaga daba tageen waxaana halkaasi
markale lagu gaarsiiyay jab xoogaan markale ayaa laga dilay maleeshiyaad badan.
64 maleeshiyaad iyo horjoogayaal katirsan Al-shaab lagu dilay degaanka Baxdo iyo degaanada u dhow dhow.
Gaari Land Gruiser oo soomaalidu u taqaan Leeylo Calaawi oo waxyaabaha qarxa ka buuxaan ayaa laga qabtay nabadiidka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay u gurmadeen dadka degaanka baxdo oo iska caabiyay nabadiidka isagoona ku amaanay si geesinimada leh ee ay isaga difaacan Argagixisada.
Jeneraal Odowaa TaliyahaCiidanka Xoogga ayaa intaasi ku daray in lasii baacsanayo firxadka maleeshiyaadka nabadiidka Al-shabaab.