TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO GUDDOOMIYEY SHIR LOOGA HADLAYEY ADKAYNTA AMNIGA DALKA

0
Saturday April 30, 2022 - 17:42:21 in Wararka by
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO GUDDOOMIYEY SHIR LOOGA HADLAYEY ADKAYNTA AMNIGA DALKA

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta Xarunta Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, shir kula qaatay saraakhiisa sarsare ee Ciidanka Booliska. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Taliye Ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta Xarunta Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, shir kula qaatay saraakhiisa sarsare ee Ciidanka Booliska. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Hoggaamada, Fadhiyada Madaxa Bannaan, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo Qaybaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa looga hadlayey dardar gelinta sugidda amniga guud ee Dalka, loogu na mahad celinayey Ciidanka Booliska ee sugayey amniga doorashooyinka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sidii ay ugu guulaysteen sugidda amniga doorashooyinka oo muddo ka socday dalka, isaga oo faray in ay si weyn isugu diyaariyaan dhammaystirka inta ka dhiman sugidda amniga doorashooyinka.


Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa adkaynta amniga ee maalmaha Ciidda ee inagu soo aaddan, si shacabka Soomaaliyeed ay farxad iyo nabad galyo ugu ciidaan, looga na hortago dhagaraha ay maleegayaan kuwa lidka ku ah amniga dalka iyo kan shacabka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip