Ciidanka NISA iyo Daraawiishta Galmudug oo howlgalo ka sameeyay gobalka Mudug
Ciidamada Daraawiishta Galmudug ,NISA iyo kuwa Deegaanka ayaa maanta Howlgalo ka dhan ah Maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ka sameeyay Deegaano dhaca Koonfurta Gobolka mudug.
Ciidamada ayaa Howlgalkaan ka fuliyay Deegaanada Hareeri dheere, Cimaamad sameena gowrac iyo kuwa kale oo dhamaan ka tirsan Koonfurta mudug.
Ciidamada ayaa gaaray meelo ay Maleeshiyaadka Al Shabaab Xaruumo ciidan u ahayd oo ka carareen sacadihii lasoo dhaafay .
Saraakiisha Ciidanka hugaaminaysay ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u xaqiijiyay inay Maleeshiyaadku baneeyeen Saldhigyo badan oo ay kaga dhuumaalaysan jireen Koonfurta Gobolka mudug.