Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

0
Sunday September 12, 2021 - 17:52:16 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka,ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay ,deegaano ka kala tirsan Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan,kuwaas oo ay ku dhimaaleysanayeen haraadiga kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka,ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay ,deegaano ka kala tirsan Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan,kuwaas oo ay ku dhimaaleysanayeen haraadiga kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Howlgalka  ayaa ka dhacay deegaanada Gamboole ,ceeldheere macalin ,jameeco jiliyaale,masiirey,boqon Gandhi, oo ka wada tirsan gobolka shabeelaha dhexe,waxaana ay Kumaandooska Danab ay ku guuleysteen in ay burburiyaan saldhigyadii kooxdu ku laheyd deegaanadaas.

Sidoo kale Ciidamada oo ku raad joogay firxadka Nabdiidka ayaa gaaray deegaanka Fiidow oo kala qeybiyaha gobalada shabeellaha dhexe iyo hiiraan,oo lagu tuhnsanaa in ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyada.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka marki ay gacanta ku dhigeen deegaanadaasi,waxaa ay baaritaano ku sameeyeen guryaha ,gaadiidka iyo wadooyinka,si looga nadiifiyo ,miinooyinka ay codowgu ku dhagrayaan shacabka Soomaaliyeed,sidoo kale waxaa ay ciidanku  bur buriyeen ,xaruno ay kala duwan oo  kooxdu shacabka ku dhici jici jireen, sida , xaruntii ay maleeshiyadu dhalinayarada iyo haweenka ku bari jireen fikradaha guracan ee kooxda,Maxkamad beenaadii nabadiidka  ,Isbitaaladii ay ku daweyn jireen dhaawaca,iyo xaruntii ay ku uruurin jireen sakawaadka.

Taliyaha ururka 7aad guutada 16aad ee kumaandooska Danab Gashanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa sheegay in intii ay howlagaladu socdeen ay gacanta ku dhigeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee  Al-shabaab ,iyo hubkii ay wateen,islamarkaana caddaaladda la marsiin doono.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada xoogga dalku ay ka sameeyeen ,gobalada shabeelooyinka ayaa khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Nabdiidka ah ee Al-shabaab,waxaana ay ciidanku ay guluf xooggan ugu jiraan sii dalka looga saari lahaa ,kooxaha Argagixisada ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip