Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgalo ka sameeyay shabeellaha hoose.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab kasameeyay Tuulooyinka Tawakal iyo Mushaani oo hostaga degaanka Janaale ee gobolka shabeelaha hoose.
Ciidanka inti ay howlgalka ku jireen waxeey ku burburiyeen meelo gabaad ay ka dhiganayeen argagixisada ciidanka ayaa ku guuleeystay inay burburiyeen guri ay Al-Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen.
Taliyaha ururka 83-aad ee guutada 14 October Xoogga Dalka Gashanle Nuurdiin Macalin Xuseen oo hogaaminayay howlgalka,ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan,howgalada lagula dagaalamayo Nabdiidka Al-shabaab ee gobalka Shabeellaha hoose.