
Taliyaha ciidanka dhulka oo kormeeray xeryaha iyo jiida hore dagaalka ee gobolka sh.dhexe
kormeerka taliyaha ayaa waxaa ku wehliyey Taliyaha qeybtac 27aad sareeyo guuto ahmed Maxamed Maxamuud Calasow iyo Taliyaha Guutada 4aad cornel Saneey Cabdule gaab,madaxa howlgilin ciidanka dhulka xoogga dalka Cabdi cismaan raabi, madax xafiiska ciidanka cabdinaasir shiekh kamaalu-diin.
Taliyah Ciidanka dhulka xoogga dalka
genral maxamed tahliil biixi deeganada iyo degmooyinka uu kormeeray waxaa ka mid taliska guutada 4aad qeybta 27aad ee geed-timir, taliska ururka 12aad guutada 4aad ee deaganka Xaaji-cali
Ugu horeyn taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaliyeed ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubovka tirsan guutada afaraad ee ku sugan deegaanka Warsheekh ee gobolka shabeelaha hoose, isagoo kula dar-daarmay in sii laba jibaraan howsha ay qaranka u hayaan.
Intaas ka dib taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka iyo saraakiisha qeybta 27aad ayaa u baqoolay dhankaas deegaanka Xaaji-cali oo talis u ah ururka 12-aad ee guutada 4-aad, isagoo ciidanka kula hadlay intaas ka dibna saraakiisha ka dhageystay warbixinta ku saabsan xaalada ciidanka, amniga iyo howlgadala ka dhanka ah al.shabaab.
Ugu dambey taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed gen. maxamed tahliil biixi ayaa safariiisa shaqo ku soo gaba-gabeyey cutubyo ku sugnaa difaaca hore ee degmada raaga -ceele ee gobolka sh.hoose isagoona ciidanka kula dar-darmay in ay sii kordhiyaan dadaalkooda ku difaaca diinta dadka iyo dalka
Taliyaha ciidanka dhulka oo kormeeray xeryaha iyo jiida hore dagaalka ee gobolka sh.dhexe
kormeerka taliyaha ayaa waxaa ku wehliyey Taliyaha qeybtac 27aad sareeyo guuto ahmed Maxamed Maxamuud Calasow iyo Taliyaha Guutada 4aad cornel Saneey Cabdule gaab,madaxa howlgilin ciidanka dhulka xoogga dalka Cabdi cismaan raabi, madax xafiiska cii