Kooxda Kubadda Cagta Horseed oo ku guuleysatay horyaalka Soomaali Premier League

0
Monday August 02, 2021 - 19:56:06 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Kubadda Cagta Horseed oo ku guuleysatay horyaalka Soomaali Premier League

    Kooxda kubadda cagta Horseed ayaa galabta 41-sano kaddib ku guuleysatay Horyaalka Soomaali Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta Horseed ayaa galabta 41-sano kaddib ku guuleysatay Horyaalka Soomaali Premier League xilli ciyaareedkan 2020-21.

Kooxda Cawo iyo Maalin ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga Horyaalka Soomaali Premier League kaddib markii naadiga dowladda hoose Muqdisho City Club, oo ay la ciyaari lahaayeen kulan kala bax ah (Paly off) ay soo xaadiri waayeen garoonka Eng. Yariisow.

Labada kooxood ee MCC iyo Horseed ayaa isku dhibco ka noqday horyaalka Soomaali Premier League, waxaana loo baahday in lagu kala saaro kulan kala bax ah oo Kooxdii adkaatana ay horyaalka ku guuleysato.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa go’aansaday in Kooxdii imaan weysa ay dhibcaha ka qaadaan, iyadoo markii ay MCC soo xaadiri weysayna qaab for feit ah ay horyaalka ku qaadday kooxda Horseed.

Kooxda Horseed ayaa inta aan loo caleemo saarin hanashada horyaalka Soomaali Premier League, waxaa ay baasteen kubadda isku dhiidhiib dhor daqiiqo socday oo uu garsoorku xaadir ahaa kaddibna ay kubbadda shabaqa geliyeen sidaasna lagu xukumiyey in ciyaartu dhammaatay oo horyaalka ay ku guuleysatay naadiga Cawo iyo Maalin ee Horseed.

Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa, ayaa koobka guddoonsiiyey kooxda Horseed oo galabta loo caleema saaray hanashada Horyaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip