Taliyaha iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Asluubta.

0
Wednesday April 07, 2021 - 17:57:04 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Asluubta.

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo taliye ku xigeenka Ciidanka ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Taliska guud ee Ciidanka Asluubta, iyagoo u kuur galay shaqada Ciidanka Asluubta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo taliye ku xigeenka Ciidanka ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Taliska guud ee Ciidanka Asluubta, iyagoo u kuur galay shaqada Ciidanka Asluubta.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loo kordhin lahaa sugidda amniga xabsiyada iyo ka qeyb-qadashada amniga dalka maadaama ay fooda nagu soo heeyso bisha barakeysan ee Ramadaan oo kooxda argagixsad ah ee Al-shabab ay isku dayaan in falal amni daro ka gaystaan gudaha Dalka, iyadoo taliska asluubta uu markasta ka feejigan yahay dhagarta Cadwga ayaa taliyaha waxa uu warbixin ka dhageystay saraakiisha ku shaqada leh amniga xabsiyada.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluub Gen Cabdikariin Cali Afrax ayaa sheegay in Looga baahan yahay Ciidanka Asluubta in xili walaba ay usoo Jeedaan sidii ay cadawga uga difaaci lahaayeen dalka iyo dadka

Taliyaha Ciidanka Asluubta soomaaliyeed Gen.Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlayay Ciidamada suga Amniga Taliska asluubta ayaa ku bogaadiyay shaqada ay qabtaan isagoo faray hoggaanada ciidanka inay xoojiyaan amniga maadaama bisha barakeysan ee Ramadan ay kooxda argagixsadu isku dayaan in ay dhibaateeyaan dadka, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip