Taliska NISA ee gobalka Banaadir oo helay xog ku saabsan Horjoogeyaal ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.

0
Tuesday April 06, 2021 - 17:35:36 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska NISA ee gobalka Banaadir oo helay xog ku saabsan Horjoogeyaal ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.

    Taliska Sirdoonka iyo Nabad Sugida Gobalka Banaadir ee NISA ayaa Helay xog ah in ay dhinteen labo Horjooge oo u qaabilsanaa Al-Shabaab dhagarta Shacabka Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Qaraxyada Miinooyinka, waxayna kala yihiin Maxamuud Goobe Raag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Sirdoonka iyo Nabad Sugida Gobalka Banaadir ee NISA ayaa Helay xog ah in ay dhinteen labo Horjooge oo u qaabilsanaa Al-Shabaab dhagarta Shacabka Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Qaraxyada Miinooyinka, waxayna kala yihiin Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Miinooyinka Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose. Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada Miinooyinka Gobolka Banaadir, kana hooseeyey Daariq. Muuse Koobleiyo 6 dhagar-qabe oo kale oo Miinooyin ka soo qaaday deegaanka Tooratooroow ayey 28-03-2021 kula qaraxday deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dhanka kale 03-04-2021 Daariq, waxaa lagu dilay dagaalki Degaanka Bariire ee ay Ciidanka X. D. S jab xoog leh ku gaarsiiyeen Kooxda Al-Shabaab.

Labadan dhgarqabe ayaa Argagixisada Al-shabaab muhiim ugu ahaa maleegida dhagarta Shacabka, maadaama aad ugu xeel dheeraayeen dhanka Qaraxyada Miinooyinka, kuwaasoo isku dayey inay awooda saaraan sidii ay Qaraxyo kala duwan uga fulin lahaayeen Gobolka Banaadir.

Ha’yaddaha Amniga Gobalka Banaadir waxay Alle ka sokow u mahad celinayaan geesiyaashii X.D.S. ee horay u helay xogta Al-shabaab ee ku aadan Dabargoynta Ummadda Soomaaliyeed ugana hor tagay si geesinnimo leh isku deygooda, iyagoona xaqiijiyey awooda iyo kartida ay u leeyihiin badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo cadawga gaarsiiyey jab xoogan oo aysan abidkood ilaawi doonin.

Waxaan Rabbi naxariis iyo Janno uga baryeynaa Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ee ku shihiiday badbaadinta Shacabkooda, waxaanan Allaah caafimaad uga rejaynaynaa inta dhaawacu kasoo gaaray Jihaadka ay kula jireen Argagixisada Dhiig-miiratada ah ee Alshabaab.

Mahadsanidiin Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip