Maleeshiyaad Ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Howlgal ka dhacay Degmada Qansax-dhere.

0
Sunday April 04, 2021 - 18:35:39 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Howlgal ka dhacay Degmada Qansax-dhere.

    Hawlgalkan amniga lagu xaqiijinayo oo ay sameeyeen Ciidanka Darawiishta ee ka howlgala Degmada Qansax-dhere ayaa ku guuleystay iney dilaan laba horjooge oo ka tirsan Maleeshiyada Al-shabab, ku waa soo maleeshiyada u qaabisanaa sameynta qaraxyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalkan amniga lagu xaqiijinayo oo ay sameeyeen Ciidanka Darawiishta ee ka howlgala Degmada Qansax-dhere ayaa ku guuleystay iney dilaan laba horjooge oo ka tirsan Maleeshiyada Al-shabab, ku waa soo maleeshiyada u qaabisanaa sameynta qaraxyada.
Gudomiye ku xigenka amniga iyo siyaasada ee Degmada Qansaxdheere Maxamed Mukhtaar Cabdi oo lahadlay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa u xaqiijiyay "in ciidanka darawiishta ay dileen laba horjooge oo doonayay goob ay rabeen iney ku asaan qarax miino oo ay ku wax yeeleeyaan shacabka ku nool Degmada Qansax Dheere, isla goobtana ay kaga furteen qori AK 47 ah iyo Baastoolad, hawlgakuna uu ku dhamaaday sidii loo qorsheeyay mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka inta uu howlgalka socday”.


Sidoo kale Gudomiye ku xigenka amniga iyo siyaasada ee Degmada Qansaxdheere ayaa warbaahinta Ciidanka u sheegay goobta ay ahayd mid muhiim u ah kooxda oo ay ku diyaarinjireen Qaraxyada sidoo kalane ay u ahayd il dhaqaale oo ay ku urursadaan lacagaha Baada ah, ciidamaduna ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ee Alshabaab.

Degmada Qansax-dheere ayaa ah Degmo ka tirsan Gobolka Bay oo Magaalada Baydhabo u jirtaa 90-km kagana beegan tahay jihada koonfur galbeed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip