Wasiirka gaashandhigga XFS oo ka qeyb Sanad guuradii 61-aad ee Aas aaska Ciidanka Cirka ee Soomaaliya

0
Monday February 15, 2021 - 20:00:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka gaashandhigga XFS oo ka qeyb Sanad guuradii 61-aad ee Aas aaska Ciidanka Cirka ee Soomaaliya

    Munaasabad lagu xusayey Sanad guuradii 61-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ciidanka Soomaaliya Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu xusayey Sanad guuradii 61-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ciidanka Soomaaliya Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa Munaasabada ka soo qeyb galay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xooggga Dalka Soomaaliya, Sareeyayaal iyo Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Saraakiil ka Socotay Dowladda Turkiga iyo marti sharaf.

Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabaas Amiin Cali oo qaatay kaalinta qudbadiisa kaga aadaneyd munaasabada kow iyo lixdan guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka cirka ayaa ugu horeyn "u hambalyeeyay Sareeyayaasha Saraakiisha Saraakiil Xigeenada Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka Xaasaskooda iyo Caruurtooda, wuxuuna ka hadlay doorkii ay ciidanka cirka soomaaliya ay ku lahaayeen ciidanka xoogga iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soomareen ciidanka”.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo munaasabadda dabaal-dagga Aas-aaska Ciidanka Cirka ka hadlay ayaa sheegay "isagoo ku hadlaya Magaca Madaxweynaha JFS iyo kan Raysal Wasaaraha Xukuumadda uu hambalyo u dirayo Ciidanka Cirka isagoona xusay in Wasaarada Gaashaandiga ay wado dadaalo ay ku dooneyso tayeynta iyo Dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Cirka, Badda, iyo Dhulka”.

 

Ciidanka Cirka Soomaaliya oo kaalin muuqata kaga jiray dalalka caalamka, ayaa haatan ka soo kabanayaan bur-burkii saameeyay dalka waxaynaku tala jiraan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha qowleysatada ah ee sida sharci darada ah ugu heehaabaya hawada dalka soomaaliya.

 

.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip