
Wariyaal ka tirsan Idaacada Ciidamada oo Tababar loogu soo Xeray Muqdisho''Sawirro''
Xaflada xeritaanka tababarka waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud Ee Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida iyo xubno sar sare oo ka tirsan saraakiisha ciidamada milatariga dalalka soomaaliya iyo Britien iyo marti sharafkale.
Tababarkan oo ahaa mid ay wax ku baranayeen saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta Ciidamada Qalbka Sida, waxaana casharo kala duwan oo ka turjumaya sida la isaga ilaaliyo waxyaabaha qatarta galinaya nafsadaada, oo ay ka mid yihiin, Waxyaabaha qarxa, goobaha ay ku suganyihiin cadawga, meelaha laga xoreeyay, iyo goobaha ay xasaradaha ka jiraan, ka bixinayay macalimiin aqoon durugsan u leh howlahaasi ahna saraakiil sar sare oo u dhashay dalka ingiriiska.
Mark Bekusch oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada lugta ee Dalka Britien kana soo howlgalay wadamada Afgaanistaan, Ciraaq, iyo dalal kale, mudo 16-sano ahna bare bixiya casharada ku saaabsan Gargaarka Deg Dega, iyo Arimaha Amaanka, oo ka hadlay munaasabada ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay maamulka idaacada iyo saxafiyiintii qaadatay tababarkan wuxuuna uu u rajeeyay in ay ka faaiideystaan islamarkaana kula laabtaan saaxiibadooda kale.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida Mudane Maxamed Muuse Maxamed oo gabagabada munaasabadda xeritaanka tababarkan hadalka qaatay ayaa u mahad celiyay Dowlada Britien, Wasaarada Gaashaandhiga, iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyocid kasta oo gacan ka gaysatay Tababarkan kor loogu qaadayo aqoonta saxafiyiinta Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna kula Dardaarmay saxafiyiintii tababarkan qaadatay ee sida habsamida leh uga faaiideystay iney iyaguna uga faaiideeyaan saaxiibadooda kale ee aan nasiibka u yeelan iney fursadan ka faaiideystaan.
Ma ahan Markii ugu horeysay oo Tababar Aqoon Kororsi ah loo qabto shaqaalaha Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida.





Wariyaal ka tirsan Idaacada Ciidamada oo Tababar loogu soo Xeray Muqdisho''Sawirro''
Tababar sare loogu qaadayay aqoonta saxafiyiinta ka howlgala Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho kaa soo lagu baranayay sida la isaga ilaaliyo waxyaabaha qatarta galiya nafsada qofka.