Ciidanka Xoogga Dalka Oo Al-shabaab Kasaaray Degaano Katirsan gobolka Gal-guduud,

0
Tuesday November 10, 2020 - 22:00:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Al-shabaab Kasaaray Degaano Katirsan gobolka Gal-guduud,

    Ciidanka xoogga dalka ayaa gobolka gal-guduud kawada howlgal ay kaga sifeeynayaan maleeshiyaadka al-shabaab degaanada ay kaga suganyihiin. Howlgalka oo socda kudhawaad isbuuc ayaa waxaa argagixisada lagu gaarsiiyay jab xoogan waxaana lagu bur-buri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka ayaa gobolka gal-guduud kawada howlgal ay kaga sifeeynayaan maleeshiyaadka al-shabaab degaanada ay kaga suganyihiin. Howlgalka oo socda kudhawaad isbuuc ayaa waxaa argagixisada lagu gaarsiiyay jab xoogan waxaana lagu bur-buriyay saldhigyo ay kulahaayeen degaanada bulacle cada-xaar iyo ceel cali mire.

Inta howlgalka uu socday ayaa argagixisada waxaa looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan iyadoona hub iyo saanadna looga qabsaday.

Howlgal ciidanka xoogga gabaldhicii manta ay kasameeyeen degaanka labi-dule ayay al-shabaab kaga saareen degaankaasi oo ah halka ay kasoo abaabuli jireen dhibaatooyinka ay usoo maleegi jireen shacabka kudhaqan degmada dhuusamareeb ee caasimada galmudug iyo nawaaxigeeda.

Dagaal kooban oo degaankaasi labi-dule kadhacay ayaa maleeshiyaadka al-shabaab looga dilay kudhawaad 10 maleeshiyaad ah iyadoona maleeshiyaadkii kale ay ufirxadeen degmada ceel-buur iyo degaanka ceel-garas halkaasi oo maleeshiyaadkii kusugnaa iyana ay soo foolsaartay cabsi xoogan sida uu kusoo waramayo Wariyaha Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Qeybta 21-aad Xds Cabdulaahi Warsame Rooble.

Howlgalka oo ay wadaan ciidanka qeybta 21-aad ayaa waxaa qeyb ka ah kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo ciidamaddo katirsan Nisa kuwaasi oo kusagan gobolka galguduud iyo ciidanka jabuuti ee hiil-walaal.

Howlgalka oo dhoowrjiho kasocda ayay ciidanka kusii baacsdanayaan firxada maleeshiyaadka nafla caariga ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip