Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dilay 19 Maleeshiyaad ah kuwo kalana Nolosha Kuqabtay,

0
Tuesday October 20, 2020 - 18:58:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dilay 19 Maleeshiyaad ah kuwo kalana Nolosha Kuqabtay,

    Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaan qiyaastii 11 km u jira degmadda Diinsoor ee gobolka Baay,gaar ahaan Tuugaar hoose iyo Laba-warood kadib markii ciidanka ay ka war heleen in maleeshiyaad ka tirsan argagixisada ay isku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaan qiyaastii 11 km u jira degmadda Diinsoor ee gobolka Baay,gaar ahaan Tuugaar hoose iyo Laba-warood kadib markii ciidanka ay ka war heleen in maleeshiyaad ka tirsan argagixisada ay isku aruursanayaan halkaasi.

Howlgalkaan oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyey cadowga ayaa ciidanka xoogga waxay ku dileen 19 maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda Alshabaab, waxayna nolosha ku qabteen labo dhagar qabe, iyaggoo sidoo kale ciidanka gubey laba gaari oo kala ahaa Hoomeey Cabdi-bile sidookale dhaawaca ayaa garaaya 23 maleeshiyaad ah.

 

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta codka ciidamadda Qalabka sida u sheegay in ciidanka ay ku guuleeysteen bur-burinta goobtii maleeshiyaadka Alshabaab ay isku aruursanayeen, islamarkaasna khasaare xooggan laga gaarsiiyay cadowga.

 

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gobolada dalka kawada howlgalo lagu baacsanayo argagixisada, kuwaasi oo lagu dhabar jabinayo kooxda arxanka darran ee Alshabaab.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip