Fanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo Muqdisho ku geeriyootay

0
Monday October 19, 2020 - 18:20:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo Muqdisho ku geeriyootay

    Alle ha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii Qaranka Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee mudada dheer caanka ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ehelkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii Qaranka Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee mudada dheer caanka ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ehelkeeda.

Saynab waxay heesaysay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka,waxaana riwaayaddii ugu horraysay ee ay wax ka jisho ay ahayd Alla aamin ma iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.

Waxay ka mid ahayd fanaaniintii lagu aas aasay Hobollada Waaberi, waxaana ay wax ka jishay riwaayado badan, iyadoo qaaday heeso badan oo Jacayl ah, sida "reerkiina Hodankaa" oo ay Xasan Aadan Samatar wada qaadaan, "Geeri doortee maanta aan go'o, iyo heesa kale oo jacayl ah, halka kuwa wadaniga ahna ay ka mid ahaayeen "Geeshkayagow Guulaysta" Galladaan sugaynay iyo kuwa kale.

Riwaayadaha ay wax ka jishay waxaa ka mid ahaaGarcadaaweiyo Caashaq oo uu lahaa Yuusuf Aadan Alaale waxaana ku jiray heesaha Diiday hay maqashiin iyo Kala hadhimayno, riwaayaddii Cismaan Askari ee Wadhaf iyo Shimbiro ayey sidoo kale wax ka jishay, waxayna qayb ka ahayd filimkii Cilmi iyo Caado oo ka hadlayey waxyaabo badan oo ay tahay in laga bedelo dhaqanno gurracan Soomaalidu ku dhaqanto.

Waqtigii burburka Saynab xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday, waxaana ay dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ahayd dhul yaal.

Sii hayaha wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir, hobollada waaberi iyo bahda suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan.


Inaa Lilaah wa inaa ilayhi raajicuun



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip