Taliyaha Booliska oo kormeeray baraha cusub ee laga ilaaliyo Amniga Muqdisho +Sawirro

0
Monday October 19, 2020 - 15:04:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska oo kormeeray baraha cusub ee laga ilaaliyo Amniga Muqdisho +Sawirro

    Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Taliyaha qeyb-ta guud ee gobolka banaadir taliyaha ciidamada sida gaar ah u tababaran ee haramcad iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kormeeray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Taliyaha qeyb-ta guud ee gobolka banaadir taliyaha ciidamada sida gaar ah u tababaran ee haramcad iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kormeeray baraha cusub ee laga ilaaliyo duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ka xogwaresanayay dadka shacabka si loo ogaado xaaladooda maadaama aysan wali la qabsan qaabka cusub ee loo sugayo amniga caasimada waxaana uu ka dhageysatay tabooshooyin yar yar oo ku aadan in shacab loo fududeeyo isku socodka iyagoo la shaqeynayo laamaha amniga.

Barahaan ay kormeereen ayaa gaaraya ilaa iyo 15 goob oo ku yaala galbeed iyo bariga caasimada oo ku teedsan Degmooyinka Kaaraan iyo Kaxda waxaana ka mid ahaa deegaanka gubadley ,ekis koontarool balcad wadada wershadaha ekis koontarool afgooye iyo qeybo badan oo ka mid ah gaabaha cusub ee lagu soo kordhiyay.

"Waxaan soo kormeernay ilaa iyo shan iyo toban goobood oo ah baraha cusub ee lagu soo kordhiyay sugida amniga caasimada waxaana ku dhiirigalineynaa ciidamada qalabka sida ay juhdiga u gelnayaan ilaalinta shacabkooda ayuu yiri taliye Xijaar.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ciidamada sugan baraha ilaalada faray in shacabka ay u dhimriyaan sidoo kale waxa uu ku dhirigaliyay dadaalka ay gelinayaan sugida amniga magaalada.

"Ciidamada waxaa looga baahanyahay inay udhimriyaan shacabka iyadoo loo fududeynayo isku socodka,Ganacsiga iyagane waxaa laga rabaa inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si loo hibiyo amniga iyadoo layskaashanyo.

13 bishaan ayay aheyd markii ay dowladda ay qaaday bariihii laga ilaali jiray amniga gudaha magaalada waxaana si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha,amniga iyo ganacsiga magaalada loo raray duleedka magaalada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip