Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gobolka Hiiraan Ku dilay Maleeshiyaad Al-shabaab Katirsan,

0
Friday October 16, 2020 - 19:42:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gobolka Hiiraan Ku dilay Maleeshiyaad Al-shabaab Katirsan,

    kaddib markii ciidanka xoogga dalka ay maanta billaabeen howlgallo ka dhan kooxda Argagixisada Alshabaab kaasi oo u hogaaminayo taliyaha Qeybta 27-aad Xds Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe iyo saraakil kale oo katirsan Qeybta 27-aad xds ayay Khasaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kaddib markii ciidanka xoogga dalka ay maanta billaabeen howlgallo ka dhan kooxda Argagixisada Alshabaab kaasi oo u hogaaminayo taliyaha Qeybta 27-aad Xds Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe iyo saraakil kale oo katirsan Qeybta 27-aad xds ayay Khasaare xooggan gaarsiiyeen maleeshiyaadka Argagaxisada al-shabaab kuwaasi oo kudhuumaaleeysanayay inta udhexeeysay magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka hiiraan halkaasi oo argagixisada looga dilay 11 maleeshiyaad ah.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad G/le SreMaxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in jab xooggan Alshabaab ay gaarsiiyeen gaadiidna ay ka gubeen islamarkaasna 11-maleeshiyaad ah ay kaga qaarijiyeen howlgalkaasi waxuuna taliyaha wacad ku maray in howl-galka uu sii socon doono inta argagixisada laga sifeeynayo gobolka hiiraan.

Degaanka ay ciidanka xoogga dalka kudileen maleeshaadka al-shabaab ayaa lagu magacaabaa buurweyn oo udhexeeya degmooyinka Buul-burde iyo Jalalaqsi.

Ciidanka ayaa weli waxeey wadaaan howlgal kadhan ah maleeshiyaadka al-shabaab kaasi oo looga sifeeynayo wada isku xirta buulo-burde iyo jalaqsi.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip