Ciidanka Xoogga Dalka Oo Al-shabaab Kadilay 51 Maaleeshiyaad Ah Oo Ay Kujiraan Horjoogayaal,

0
Friday October 16, 2020 - 19:04:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Al-shabaab Kadilay 51 Maaleeshiyaad Ah Oo Ay Kujiraan Horjoogayaal,

    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa qasaare xoogan ugu geystay maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab tuuladda Buulaloow ee hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shaleeda Hoose, kadib markii ay ciidamadu weerar ku qaadeen fariisin ay argagixisadu ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa qasaare xoogan ugu geystay maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab tuuladda Buulaloow ee hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shaleeda Hoose, kadib markii ay ciidamadu weerar ku qaadeen fariisin ay argagixisadu ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah waxaana weerarkaasi lagu dilay ku dhawaad 51 Maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo tiro horjoogayaal ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Guuto Cabaas Amiin Cali oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in dagaal ka dhacay Doonka lagu dilay in ka badan 51 Maleyshiyaad ah iyo horjoogayaal muhiim u ah maleeshiyada Al-shabaab oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Cismaan Fiidoow oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka howlgalinta Gobolka Shabeelada Hoose, Horjooge Muxudiin Maxamed iyo Horjoogaha magaciisu afgarashada ay tahay Tima weyne, maleeshiyaadkuna ay meydadkooda ku qaatee gaari dheyna ah oo ay ku aaseen Tuulada Buulo Yareey Shiiqaal oo dhanka waqooyi galbeed kaga began Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose ciidamaduna ay ka go’an tahay iney sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

 

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadii ku geeriyooday dagaalkaasi ay ahaayeen mujaahihidiin jihad ku dhintay oo guul u soo hoyay qarannimada ummadda soomaaliyeed kuwa noolna ay mudanyihiin in abaal marinno muhiim ah la gudoonsiiyo eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeena uu uga tacsiyeeyay



Taliyaha ayaa kula dardaarmay warbaahinta iney joojiyaan wararka been abuurka ah oo ay ka faafinayaan ciidamada qalabka sida wuxuuna tilmaamay iney haboon tahay iney la soo xiriiraan cida u qaabilsan howlahaasi ciidamada.


Dhawaan ayey ahayd markii ay ciidamada xoogga dalka soomaaliyed ay casharo lama ilaawaan ah ay ugu dhigeen tuulooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Daniga Baalow, Basro, Garasweyne, Muryaale, Deegaanley Buula iidow, Beladul Aamin, Alifow, Baqdaad, Buulo Yarey,iyo Kaxarow oo dhamaan ka wada tirsan Gobolada Shabeelooyinka.

By…Omar Kulmie



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip