Booliska gobolka Banaadir oo baaritaan ku haya qaraxyo Dheemis ah oo Muqdisho laga maqlay

0
Thursday September 10, 2020 - 21:54:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska gobolka Banaadir oo baaritaan ku haya qaraxyo Dheemis ah oo Muqdisho laga maqlay

    Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa baaritaan ku haya qaraxyo Dheemis ah oo caawa laga maqlay degmooyin dhawr ah oo gobolka Banaadir ka tirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa baaritaan ku haya qaraxyo Dheemis ah oo caawa laga maqlay degmooyin dhawr ah oo gobolka Banaadir ka tirsan.

Afhayeenka Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali ayaa warbaahinta u sheegay in abaare 8:20pm waqtiga Muqdisho ay maleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab ay si dhuumaalaysi ah ku tuureen ilaa 4-qarax oo ka samaysan baaruud Dheemish ah oo aan gaysan wax qasaare ah.

Waxa uu sheegay inay baaritaan ku hayaan kooxda abuurtay cabsi galinta, islamarkaana Boolisku ay qaadayaan tallaabooyin amniga lagu xoojinayo.

Degmada Boondheere ayey ku soo dhaceen qaraxyadaasi Dheemishka, waxaana Boolisku saxaafadda ugu yeeray inay tusiyaan cadaymaha muujinaya in qaraxyadu ahaayeen kuwa aan rasmi ahayn.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip