Taliyaha Ciidanka Xoogga oo booqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxii 13-kii bishaan ka dhacay muqdisho "Sawirro"

0
Wednesday July 15, 2020 - 22:22:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo booqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxii 13-kii bishaan ka dhacay muqdisho "Sawirro"

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Sarreeye GuutoOdowaa Yuusuf Raageayaa caawa Qaar ka mid Isbitaalada Magaaladda Muqdisho ku Booqday Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii fashilmay ee Dhawaan Lagula Eegtay Agagaarka Tarbuunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Sarreeye GuutoOdowaa Yuusuf Raageayaa caawa Qaar ka mid Isbitaalada Magaaladda Muqdisho ku Booqday Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii fashilmay ee Dhawaan Lagula Eegtay Agagaarka Tarbuunka.

Janaraal odowaa yuusuf Taliyaha CXD oo ay wehliyeen Madaxda hoggaanada caafimaadka, saadka, maamulka lacagta iyo saraakiil kale ayaa booqasho ugu tagay shacabkii ay maleeyshiyaadka Alshabaab ku dhibaateeyeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee argagixisada ay kula beegsadeen taliyaha agagaarka garoonkii hore ee kooxda horseed oo u dhaxeeya isbtitaalka xoogga iyo isgooyska Taranbuunka.

Isbitaalada uu booqday taliyaha ayaa waxaa ka mid ah Madiino iyo Somali Suudaanes oo lagu dabiibayo shacabkii ay dhibaateeyeen nabad diidka arxanka darran, isaggoo mid mid u xaal-wareeystay dadka dhaawacyada ah, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa weerar fashilmay waxey 13-kii bishaan ku qaadeen kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage, qaraxaasi oo ay fashiliyeen ilaaladda Gen Odowaa.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip