
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa Digniin Culus udiray dadka Isticmaala Astaamaha iyo Tuutaha Ciidanka Xoogga dalka.
Taliyaha ayaa Digniin u diray dadka sida sharci darrada u isticmaala gaadiidka lagu buufiyo Astaanta Ciidanka Xoogga dalka kuwaasi oo uu sheegay cidii lagu arko in ciidanka xoogga dalka sitoos ah ugala wareegidoonaan
Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa kahadlay dad aan ka tirsaneyn Ciidanka Xoogga dalka oo Isticmaala dareeyska ay xirtaan Ciidanka xoogga kuwaasi oo uu sheegay inay u shaqeeyaan Hay’addo, Shirkaddo iyo meelo kale wuxuuna tilmaamay dadka xirta dareeyska ciidanka xoogga dalka islamarkaasna aan katirsaneeyn in lala tiigsandoono sharciga.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa Digniin u diray Maleeshiyaad Isbaarooyin dhigtay Degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolada dalka, kuwaasi oo uu tilmaamay in Ciidanka ay ka qaadi doonaan tallaabooyin adeg.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa Digniin Culus udiray dadka Isticmaala Astaamaha iyo Tuutaha Ciidanka Xoogga dalka.
Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo Shir Jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay soo badayeen shaqsiyaad gaar ah oo isticmaala gaadiidka loo ekeeysiiyay kuwa Ciidanka Xoogga dalka isticmaalan, kuwaasi oo lagu buufiy