Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kasaaray Degaano katirsan Gobolka Jubadda Hoose,

0
Wednesday June 24, 2020 - 17:57:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Ee Danab ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab kasaaray Degaano katirsan Gobolka Jubadda Hoose,

    Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ka saaray Degaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, Kadib howlgal qorsheysan oo ciidamadda kumaandooska danab ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaado degmooyinka Kismaayo iyo J

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ka saaray Degaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, Kadib howlgal qorsheysan oo ciidamadda kumaandooska danab ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaado degmooyinka Kismaayo iyo Jammaame ee gobolka jubadda Hoose.


Kumaandooska ayaa Howlgalkaan kula wareegay tuulooyinka Xawaaljiri, Bernasey, yaaqbishaar iyo Cusbo, kuwaas oo gabi ahaan cagta la mariyay xarumo argagixisada Alshabaab ay ku lahaayeen.

Deegaanada ciidanka danab ay la wareegeen ayaa shacabka ku dhaqan waxey dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen maleeshiyaadka Alshabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska Danab ee xoogga dalka G/le Xasan Aadan Ciraaqi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu dilay 6 ka tirsan argagixisada, isaggoo tilmaamay intii ay howlgalka ku guda jireen inay la kulmeen dad ay sameeyn ku yeesheen dhibaatooyinka argagixisada, kuwaasi oo ay siiyeen cunto biyo iyo daawo.

 

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip