Doowlada Federaalka Soomaaliya Oo Warsaxaafadeed kasoo saartay Dhacdadii Degaanka Gololeey,

0
Thursday May 28, 2020 - 20:57:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 902
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doowlada Federaalka Soomaaliya Oo Warsaxaafadeed kasoo saartay Dhacdadii Degaanka Gololeey,

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaarayneysaa ficilka argagaxa leh ee ka dhacay tuulada Gololey oo hoostagta Dagmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, kasoo lagu laayay 8 qof oo rayid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaarayneysaa ficilka argagaxa leh ee ka dhacay tuulada Gololey oo hoostagta Dagmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, kasoo lagu laayay 8 qof oo rayid ah.

Ficillada noocaan oo kala ah ee lagu xasuuqo dad shacab ah oo aan waxba galabsan waa kuwii ay ku caanbexeen kooxaha argagixisada ah ee cadawga ku ah nolosha iyo daganaashaha umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo sidoo kale ka shaqeeya iska hor keenista qeybaha kala duwan ee bulshada si ay colaad uga dhex abuuraan.”

"Dowladda Soomaaliya waxay xanuunka la qeybsaneysaa oo tacsi u direysaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen, waxayna marxuumiinta Alle uga baryeysaa in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo. 


Dowladdu waxay amartay in baaris dag dag ah lagu sameeyo dhacadadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo oo caddaaladda la horkeeno.”


Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi raajicuun.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip