Ciidanka Xoogga oo argagixisada jab gaarsiiyay lana wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

0
Tuesday May 26, 2020 - 19:19:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga oo argagixisada jab gaarsiiyay lana wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

    Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxa ay kula wareegeen deegaanno maleeshiyada Al-shabaab dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireen, kuwaas oo u dhexeeya degmooyinka Buu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa howlgal ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxa ay kula wareegeen deegaanno maleeshiyada Al-shabaab dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireen, kuwaas oo u dhexeeya degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi.

Taliyaha ururka 41aad Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgallo ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi ay kula wareegeen deegaanada Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey isagoo sheegay in ay burburiyeen fariisimo maleeshiyadu ay dadka baad uga qaada jirtay oo ku yaalay deegaanadaas.

Dhamme Cabduqaadir ayaa xusay in ay howlgalka ku dileen 13 ka tirsan maleeshiyada argagixisada Al-shabaab dhaawac badane ay u geysteen, wuxuuna intaas ku daray in gaari ay ka gubeen argagixisada, raashin,hub iyo laabtoobna ay ka carareen kaddib markii ay u babac dhigi waayeen ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka xoogga ayaa marwalba u taagan difaaca dalka iyo in ay cadowga ka dulqaadaan shacabka Soomaaliyeed si ay ugu naaloodaan amni iyo barwaaqo waxeyna si dardar ah ku wadaan howlgallo argagixisada looga saarayo deegaanada ay shacabka ku dhibaateeyaan.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip