Dowladda Oo Qorsheyneysa in Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Laga Hir-geliyo Xaruma Dheeraad Ah Oo Dadka Looga Baaro COVID19

0
Wednesday May 13, 2020 - 20:13:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Oo Qorsheyneysa in Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Laga Hir-geliyo Xaruma Dheeraad Ah Oo Dadka Looga Baaro COVID19

    Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay49xaaladood oo COVID-19 ah,4bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay49xaaladood oo COVID-19 ah,4bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sidoo kale caddeysay inay jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir26, Koonfur Galbeed9, Puntiland8iyo Somaliland6.

Bukaannda cusub38ayaa rag ah11-na waa haween.1,219xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa52, waxaana guud ahaan ka bogsooday130ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip