Taariikhda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar''Aqrio''

0
Saturday August 24, 2019 - 20:33:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar''Aqrio''

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxa uu ku dhashay gobolka Sool sanadka Markuu ahaa 1953.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxa uu ku dhashay gobolka Sool sanadka Markuu ahaa 1953.

Waxbarashadiisa Aas Aasiga waxa uu ku dhameestay gobolka Banaadir

Sanadkii 1975 ayuu ka mid noqday Arday ka qalin badalatay Jaamacada Ummada Soomaaliyeed

General Cabdi Xasan Maxamed ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku biiray Sanadkii 1977 isagoona tababarkiisa ugu horeeyay ku qaatay dugsiga general daauud ,

Wadamada Mareykanka iyo Jarmalka ayuu kusoo qaatay tababarka Ciidanka Kumaandooska

dugsiga tababarka degaanleey ayuu general Cabdi Xasan kasoo noqday tababare ciidan ama Macalin wax bara ciidamada

Bur Burkii dalka ka dib waxa uu Agaasime ka Noqday Hay’Ada Socdaalka iyo jinsiyada dowlada Soomaaliya oo Markii hore loo yaqaanay Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya

General Cabdi Xasan Maxamed Sanadkii 1989 waxaa loo Magacabay Qusulka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti

2007 ilaa 2008 waxaa uu ahaa Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka

2008-2019 waxaa uu ahaa Dowlada Soomaaliya u qaabilsanaa Arimaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Dalka Sacuudiga

Bishii April ee Sanadkaan ayaa waxaa loo Magacabay Xilka Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

22 Bishaan general Cabdi Xasan Maxamed waxaa loo Magacabay Xilka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip