TAARIIKHDA CIIDANKA BADDA IYO DIFAACA XEEBAHA SOOMAALIYA.

0
Saturday February 09, 2019 - 21:47:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 3250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAARIIKHDA CIIDANKA BADDA IYO DIFAACA XEEBAHA SOOMAALIYA.

    10-kii bishii febaraayo 1965kii waxaa si rasmi ah loo aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha soomaaliya laakiin dhismaha ciidanka badda xilligaasi ka hor waxa uu dhisnaa 15-sano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

10-kii bishii febaraayo 1965kii waxaa si rasmi ah loo aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha soomaaliya laakiin dhismaha ciidanka badda xilligaasi ka hor waxa uu dhisnaa 15-sano.

Ciidanka badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxaa markii u horeysay la aas-aasay 1950kii waxa ayna qeyb ka ahaayeen waqtigaasi ciidan uu aas-aasay Gumeysigii talyaaniga.

Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxa ay ka qeybqaateen dagaalkii 1964-kii soomaaliya ay lagashay dowlada itoobiya iyagoo xilligaasi ay kaga qeyb-qaadanayeen gudbinta saadka si ay uga talaabiyaan wabiga inkastoo ay ku sugnaayeen dhanka dooloow waxaan lagu magcaabi jiray Kooxda baddaee koofurta soomaaliya.

Sanadkii 1963kii waxaa safar dalka Ruushka ku tagay raisulwasaarihii xukuumadii xilligaasi Dr:-C/rashiid Cali Sharmaarke iyo taliyihii ciidamada qalabka siday ee soomaaliya Gen:- Daauud C/lle Xirsi waxa ayna heshiisyo ay la soo galeen daowladii ruushka.

Heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa in ciidanka badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya la siiyo qalab melarati oo dhanka badda ah sida maraakiibta dagaalka.

Sanadkii 1964-kii waxaa si rasmi ah loo hoos geeyay wasaarada gaashaandhigga xilligaasoo tiradoodu ay gaareysay 40-askari oo isugu jiray Saraakiil S/xigeen Dabley Saraakiishaasi waxaa ka mid ahaa Khaliif Macoow, Xasan Xalane.iyo Jeylaani.

Ciidanka badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxa ay qeyb ka yihiin ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa ah guud ahaan mid ka kooban Ciidanka Dhulka Ciidanka Cirka Ciidanka Badda iyo Ciidanka Difaaca Cirka.

Bishii febaraayo sanadkii 1965kii ayaa dowlada ruushka waxa ay fulisay heshiiskii ay la gashay dowlada soomaaliya waxa ayna 10kii febaraayo 1965kii ay ku wareejisay ciidanka badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya, maraakiibtii uu balanqaaday saraakiisha ciidanka badda oo sirasmi ah uga tirsanaa Wasaarada Gaashaandhiga waxaana maalintaasi loo aqoonsaday maalinta ciidanka badda looga dabaaldago jamhuuriyada soomaaliya.

Ciidamada badda ee soomaaliya waxaa tababarada iyo saanadaha melatari ay ka heli jireen Dowladii Ruushka mudo sanad ka yar waxaa ciidanka badda gacantooda ku jiray ilaa iyo lix markab waxa ay ciidanka badda isugu jireen Difaaca xeebaha Baro ilaalo oo xeebaha ku teedsanaa ama ku tixnaa iyo ciidamo ku dagaalama dhulka.

Sanadkii 1977kii markii uu dhacay dagaalkii xoreynta soomaali galbeed ciidamada badda waxa ay lahaayeen 20-markab10 urur oo Commandos ah oo badda iyo berigaba ka dagaalama 15-bar oo xeebaha ku tixnaa iskuul wax lagu barto oo ay ka soo baxaan ciidanka galaya badda oo xaruntiisu ahayd magaalada Baraawe.

Waxaa ka loo jiray seddex iskuul oo lagu barto farsamada oo ka dhisnaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, iyo Baraawe, waloow marlii dabe ay isku dhaceen dowlada soomaaliya iyo ruushka waxaana hoos u dhac ku yimid awoodii ciidanka.

Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxaa soo maray Taliyayaal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Khaliif Macoow Col- Cali Xaashi Barre, Admiral Maxamed Cumar Cismaan, Admiral Saciid C/lla Cumar, Admiral Faarax Qare, Admiral Madeey Nuuroow Shiikh Ufuroow, Admiral Xasan Nuur Coljoog, oo ah haatan Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya.

Sanadkii 1991-kii Bur-burkii dowladii dhexe ee soomaaliya ka dib maraakiibtii qaadi jirtay sawaariikhda waxay ahaayee labo markab waxaana maraakiibtaasi loo qaaday magaalada cadan ee dalka yaman si midabka looga badalo.

Balse dalka ayaa ahaa mid galay dagaal sokeeye marakabkii ugu weynaa ee ciidamada lagu daad gureyn jiray waxaa ugu wardambeysay magaalada mombaasa halka maraakiibtii kale ee ciidanka badda lagu bililiqeystay magaalada kismaayo.

Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha ee soomaliya ee hada jira ayaa ah kuwo ka soo kabanay bur-burkii saameeyay dalka waxa ayna iminka ay heystaan Doonyo dheereeya ku waa soo sameeya sahan dagaalna ka gali kara meelaha dhow dhow ilaalinta dakadaha iyo biyaha dhow.

Laakiin waxa ay haatan ku tala jiraan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha qowleysata ah ee sida sharci darada ah uga kalluumeysanaya bad-weynta soomaliya oo dhex ceygaaga qeyraadka faraha badan iyo burcad badeedda ku howlan Afduubka Dhoofinta Dhuxusha Iyo Hubka.

 

By:- W/D Tifaftiraha Guud Ee Idaacada C.C.Q.S

                  Ustaad Cumar Maxamed Kulmiye




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip