Horjoogayaasha iyo Maleeshiyada la dilay 2018-kii

0
Tuesday January 01, 2019 - 18:07:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjoogayaasha iyo Maleeshiyada la dilay 2018-kii

    Hadafka ugu wayn oo ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa ah daadinta Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, laakiin Ciidanka Qaranka oo u taagan Bad-baadinta Shacabka ayaa sanadkii tagay ee 2018-ka cagta mariyay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad dhibaato badan ku haayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadafka ugu wayn oo ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa ah daadinta Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed, laakiin Ciidanka Qaranka oo u taagan Bad-baadinta Shacabka ayaa sanadkii tagay ee 2018-ka cagta mariyay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad dhibaato badan ku haayay shacabka Soomaaliyeed.

Horjoogayaasha ciidanka Qaranka ay dileen sanadkii tagay ayaa waxaa ka mid ahaa.

-Horjooge Cali Axmed Guure oo Ciidanka Xoogga ay ku dileen Gobalka Hiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

-Horjooge Magaciisa lagu soo koobay Aruuriyoow oo ay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku dileen deegaanka Araare ee Jubbada Hoose.

-Horjooge Macalin Xuseen oo Al-shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, oo madax u ahaa Maleeshiyo loogu talagalay inay si gaadmo ah ku dilaan Shacabka Muqdisho.

-Horjooge Sayid Abuukareey oo dhibaato badan ku haayay Shacabka oo Ciidanka ammaanka ugu danbayn ay ku dileen degmada Hilwaa ee Gobalka Banaadir.

-Horjooge Xuseen Macalin oo Al-Shabaabka dhexdiisa loogu yeeri jiray Mujaahid Zubeyr oo Ciidanka Qalabka sida ee Xoogga dalka ay ku dileen magaalada Marka.

Inta la ogyahay in ka badan kun maleeshiyaad iyo horjoogayaal Al-Shabaab ah ayay Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya sanadkii tagay ee 2018-ka ku laayeen Howlgalo ay ka sameeyeen deegaano kala duwan oo ka tirsan dalka.

Bishii Juulaay ee Sanadkii tagay Ciidanka Qaranka ayaa howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen bishaasi gudaheeda waxay ku dileen 87-ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Bishii November Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa lix howlgal oo ay ka fuliyeen Gobalka Mudug ayay ku dileen 55-ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jireen Horjoogayaal aanan magacyadooda la xusin.

Howlgal socday mudo 24-saac ah oo dhacay Bishii Janaayo ayaa lagu dilay  38-ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab iyadoo hwlgalkaasi uu ka dhacay deeganada Beerxaani, Kaamjaroon, Araare iyo Jamaamme.

Sidoo kale Afar horjoogayaal ah iyo 30-ka mid ah maleeshiyaadka ma liibaanayaasha ah ee la qalday, ayaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ay ku laayeen degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe bishii december ee sanadkii tagay.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip