Taariikh Nololeedkii Allahaa Unaxariiste Generaal Maxamed Rooble Goobaale
Isla gobalka Mudug ayuu marxuub Generaal Goobaale ku dhamaystay dugsiga hoose dhexe,kadibna wuxuu usoo wareegay gobalka shabeelada hoose gaar ahaan degmada Sablaale halkaasoo uu kaga baxay dugsiga Sare taariikhdu markii ay ahayd 1975Ii.
Allahaa u
naxariiste Generaal Goobaale waxaa uu sanadkii
1976dii uu ka mid noqday Ciidamada Xoogga Dalka wuxuuna tababarkiisa
ciidanimo ku qaatay dugsiga Hiilweyne ee gobalka Shabeelada dhexe.
Markii uu
dhameystay tababarka dhinaca ciidanka waxaa uu shaqadiisi ugu horeysay ka
bilaabay Qayta 26 aad ee Ciidamada X.D.S sanadkii
1977dii.
Generaalka waxa
uu isla xilligaasi ka mid noqday askar soomaaliyeed oo ka qeyb galay
calansaarkii xornimada dalka Jabuuti taariikhdu markii ay ahayd 27/6/1977.
Isla
sanadkaasi ayaa waxaa Marxuum Goobaale uu ka mid ahaa askartii loo diray
dagaalkii Itoobiya iyo Somaliya isagoona ka dagaalamay aaga magaalada Dirirdhaba
ee dhulka somalida Itoobiya waxaana uu halkaasi ku qaatay darajada Xidigle iyo
waliba Bilad geesi.
Kadib markii
laga soo laabtay Dagaalkii 1977-kiiwaxaa Marxuum Goobaale uu dib ugu noqday Qeybtii 26aad ee uu ka tirsanaa
waxaana loo dhiibay qaybta saadka ee ciidamada.
Sanadkii 1981 Generaal Goobaale waxaa loo diray koorso ciidan oo uu ka galay
kuliyada Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho wuxuuna hakaasi ku qaatay
xidigtiisi labaad.
Marxuum
goobaale waxaa uu dib ugu noqday qaybtii uu ka tirsanaa isagoo ahaa sarkaal
firfircoon oo si aad ah ay u jeclaayeen askartii iyo saraakiishi uu la shaqeyn
jiray.
Sanadkii 1983 waxaa uu qaatay xidigtiisi saddexaad wuxuuna noqtay Dhamme ka
tirsan Ciidamada Xooga Dalka Somaliya.
Sanadkii 1985 waxaa loo diray
koorso ciidan oo uu ka galay dalka Masar wuxuuna koorsadaasi kadib oo ku soo
laabtay dalka Sanadkii 1986 dii ayuu
qaatay darajada Gaashaanle.
Sanadkii 1989 waxaa uu qaatay
darajada Gaashaanle dhexe,kadib burburkii dowladii dhexe ee somaaliya.
Sanadkii 1999 wuxuu noqday taliyihii ciidamada ee maamulka isbaheysiga dooxada
jubba,sanadkii 2002 ayaa waxaa
Goobaale loo dalac siiyey darajada Gaashaanle sare.
sanadkii 2004 wuxuuna xubin ka ahaa wafdigii ka socday maamulka isbaheysiga
dooxada sharkii somalida ugu furmay
magaalada Eldoret ee dalk Kenya
Sanadkii 2006dii Generaal Goobaale waxaa uu hogaaminayey
ciidamadii magaalada Muqdisho kula dagaalamay ciidamada Itoobiya ee dalka.
Sanadkii 2009 ee dowladdi Shiiq Shariif wuxuu gacan weyn ka gaystay dhismaha
ciidamada iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka isagoo noqtay taliye sare oo ka
tirsan ciidamada dowlada waxaana loo aqoonsanaa taliyaha labada ciidan oo loo
jeeda malateriga iyo booliiska.
Sanadkii 2010 marxuum Goobaale waxaa uu qaatay derajada Sareeye Guuto.
Wuxuuna
shaqsi ay si aad ah u jeclaayeen ciidamadi uu madaxda u ahaa iyo waliba
saraakiisha ciidamada xooga dalka.
Wuxuu ahaa
nin go,aan iyo balan leh naxariis iyo dulqaad badan
General
goobaale wuxuu lahaa haybad hogaamineed taasoo u suura geliyasay in uu meel
sare ka gaaro dhinaca darajada ciidamada
Allahaa
unaxariistee Goobaale waxaa uu geeriyooday 18/9/2016 isagoo xilligaasi ku guda
jiray waajibaadkiisi shaqo wuxuuna ahaa taliyihii guutada saddexaad ee
ciidamada xooga dalka soomaaliyeed.
19/9/2016
waxaa allahaa u naxariistee Generaal Goobaale aas qaran oo ay ka qayb galeen
madax sare sare loogu sameeyay wasaarada
Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.
Dhimashada
Generaal Goobaale waxaa si weyn ugu naxay shacabka,saraakiisha ciidamada
qalabka sida iyo madaxda dowladda somaliya isagoo lagu xasuusto shaqsi howl kar
ahaa isla markaana aysan iloobi doonin ciidamada soomaaliyeed
Samir iyo
iimaan Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed haka siiyo gaar ahaan Ciidanka Xoogga
Dalka Soomaaliyeed Naxariiste jano allahaa ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
W/Qoray Oo Soo Diyaariyay
Ustaad Omar Mohamad Kulmie
Omar British
Taariikh Nololeedkii Allahaa Unaxariiste Generaal Maxamed Rooble Goobaale
Allahaa u naxariistee Generaal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale waxaa uu ku dhashay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug Sanadkii 1956di wuxuuna isla halkaasi ka galay dugsigii quraanka kariimka oo uu ku dhamaystay.