Madaxweynaha: "Waxan ku dhiirigelinayaa dhalinyarada inay qoraaladooda u badiyaan wacyigelinta bulshada''Sawirro

0
Friday August 28, 2015 - 09:42:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: "Waxan ku dhiirigelinayaa dhalinyarada inay qoraaladooda u badiyaan wacyigelinta bulshada''Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta ee magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigey buugaag ay qoreen qoreyaal Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta ee magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigey buugaag ay qoreen qoreyaal Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ka qeybgaleyaasha bandhigga la sameeyay wada sheekeysi ayaa ka jawaabey su’aalo la weydiiyey oo la xiriira dhanka qorista buugaagta, dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed.

"Waxaan dhiirigelinayaa in si sax ah loo qoro taariikhdaa iyo waayihii la soo marey si aan wax uga barano. Bulshadeena waxay u baahan tahay in la wacyigeliyo, dadaalkeenana aan meel isugu geyno sidii aan u yeelan lahayn dowladnimo sal adag leh, nabad waarta iyo horumar’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in aqoon kasta oo bulsho ay leedahay aaney wax badan dalka ka beddeli karin, haddii aaney la socon midnimo iyo wadashaqeyn shacabka iyo dalka dan u ah.unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip