
Wasiirka Gaashaandhigga Oo Ka Qaybgalay Kulanka Dib-u-habeynta Hay'adaha Amniga iyo Xoojinta Maamul-wanaagga Soomaaliya
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay kulanka dib-u-eegista hannaanka dowladnimada iyo maamul-wanaagga ee la xiriira hay'adaha amniga dalka, kaas oo ay ka soo qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bangiga Adduunka, iyo Saaxiibbada Caalamka.





Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta maamul-wanaagga, isla-xisaabtanka, iyo dib-u-habeynta hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan: qaab-dhismeedka sharciga, hannaanka maamulka shaqaalaha iyo mushaaraadka, xakamaynta iibka iyo qandaraasyada, dib-u-habeynta hannaanka hawlgabka, iyo joogtaynta mustaqbalka fog ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in isbeddelka amni ee Soomaaliya aan lagu cabbirin oo keliya hawlgallada ciidan, balse sidoo kale lagu qiimeeyo awoodda hay’adaha amniga, hufnaanta nidaamyada, iyo isla-xisaabtanka ciidamada. Wuxuu xusay horumarka ay Wasaaradda Gaashaandhiggu ka sameysay tirakoobka iyo diiwaangelinta danabaysan ee ciidamada, taas oo lagu xaqiijiyay tirada saxda ah ee shaqaalaha, laguna dhisay diiwaan qaran oo lagu kalsoonaan karo.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaraddu u gudbayso hannaanka xaqiijinta billaha ah ee shaqaalaha, kaas oo si toos ah ugu xirmaya mushaaraadka iyo joogitaanka goobaha shaqo iyo hawlgal, si loo xaqiijiyo in aqoonsiga, xaaladda shaqo, iyo bixinta mushaarka ay si buuxda isugu xirnaadaan. Wuxuu kaloo adkeeyay muhiimadda Hindise Sharciyeedka Difaaca, dib-u-habeynta iibka iyo qandaraasyada, joogtaynta hannaanka hawlgabka, iyo dhismaha hay’adda daryeelka agoonta shuhadada, naafada ciidanka, iyo hawlgabka.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Bangiga Adduunka iyo saaxiibbada caalamka taageerada ay ku bixiyaan dib-u-habeynta hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan xoojinta daraasadaha, nidaamyada hay’adaha, iyo maamul-wanaagga ku dhisan isla-xisaabtanka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaacii, Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Mudane Cabdixakiim Yuusuf, La-taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha, Marwo Jihaan Cabdullahi Xassan, Hideki Matsunaga, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Verena Fritz, Madaxa Maamul-wanaagga ee Bangiga Adduunka iyo wakiillo ka socda Saaxiibbada Caalamka.








0 

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Ka Qaybgalay Kulanka Dib-u-habeynta Hay'adaha Amniga iyo Xoojinta Maamul-wanaagga Soomaaliya
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay kulanka dib-u-eegista hannaanka dowladnimada iyo maamul-wanaagga ee la xiriira hay'adaha amniga dalka, kaas oo ay ka soo qaybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan Dow