Madaxweynaha JFS oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi Sare oo ka socda Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan

0
Sunday September 20, 2026 - 23:08:32 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 10
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JFS oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi Sare oo ka socda Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Dif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

 

Kulanka ayaa looga hadlay sare u qaadista iyo dardargelinta dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Cirka, horumarinta tayada iyo tababarka ciidanka, iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.

 

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo laguna dhisayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlaha Taliska Guud ee ciidanka xds, loona xoojiyo awoodda difaaca cirka ee dalka.



IMG_4565.jpeg
IMG_4566.jpeg
IMG_4567.jpeg
IMG_4568.jpeg
IMG_4569.jpeg
IMG_4570.jpeg
IMG_4571.jpeg
IMG_4572.jpeg
IMG_4573.jpeg
IMG_4574.jpeg









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip