Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Qaabilay Wafdi ka Socday Xarunta Ka-hortagga Argagixisada AUCTC

0
Wednesday September 16, 2026 - 00:39:56 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Qaabilay Wafdi ka Socday Xarunta Ka-hortagga Argagixisada AUCTC

    Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, ahna Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Xarunta Ka-hortagga Argagixisada ee Midowga Afrika (AUCTC), oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Xarunta, M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, ahna Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Xarunta Ka-hortagga Argagixisada ee Midowga Afrika (AUCTC), oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Xarunta, Mudane Idriss Mounir Lallali.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, qiimeynta awoodaha iyo baahiyaha hay’adaha qaranka, iyo horumarinta isku-duwidda dadaallada lagu wajahayo argagixisada.

Wasiiru Dowlaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in taageerada Midowga Afrika la waafajiyo mudnaanta qaranka iyo dadaallada ay Soomaaliya hoggaaminayso ee amniga iyo xasilinta. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ka faa’iidaysiga khibradda Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada uu muhiim u yahay xoojinta dadaallada Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la-dagaallanka argagixisada.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip