Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

0
Sunday September 20, 2026 - 23:04:49 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 8
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.

Amarkan wuxuu xoojinayaa dadaallada lagu hor istaagayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan kuwa ka dhaca xilliyada colaadaha, iyadoo la adkeynayo ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo badqabka haweenka, sidoo kale wuxuu dadejinayaa waajibaadyo cad oo la xiriira ka hortagga, soo-sheegidda, baaritaanka iyo wax-ka-qabashada kiisaska tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyadoo la raacayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada colaadaha.

Saxiixa Amarka ah ee Taliyaha wuxuu ka dhashay wada-shaqeyn iyo dadaallo joogto ah oo ay wadeen Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee UNTMIS iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Tacaddiyada lagula kaco haween xiliyada Colaadaha, kuwaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala shaqeynayay sidii ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliyada colaadaha.

FB_IMG_1789898801207.jpgFB_IMG_1789898798273.jpgFB_IMG_1789898798273.jpgFB_IMG_1789898795845.jpg

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip