Ciidanka Danab oo 14 Ka Tirsan Al-Shabaab Ku Dilay Deegaanka Buula Fulaay
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay xalay deegaanka Buula Fulaay ee Gobolka Baay.
Intii uu hawlgalku socday, ciidamadu waxay ku guuleysteen inay dilaan 14 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale, ciidamadu waxay burburiyeen gabbaadkii ay maleeshiyaadku ku dhuumaalaysanayeen.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, ku sugayaan amniga, isla markaana ku xasilinayaan guud ahaan dalka.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada, waxayna mar kale adkaynayaan in hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabadda, xasiloonida iyo amni waara oo ka hirgala guud ahaan dalka.

0 