
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka oo howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan
WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: 14 Agoosto 2026
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka oo howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay howlgallo iyo duqeymo is-xigxigay ka fuliyey gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.
Shabeellaha Dhexe:
Howlgal iyo duqeyn ka dhacay deegaanka Warciise ayaa lagu beegsaday kulan ay halkaasi ku lahaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta. Sida xogta hordhaca ah, ay sheegeeyso waxaa lagu dilay 11 horjooge, waxaana la xaqiijiyey dhimashada afar ka mid ah, kuwaas oo kala ahaa Axmed Cali Jimcaale, Geedi Cadaawe, Geedi Guuleed Abuu Nabhaan iyo Yaasiir Kormeed.
Hiiraan:
Howlgallo iyo duqeymo ka dhacay deegaannada Teedaan iyo Yasoomane ayaa lagu dilay 15 maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, halka 17 kale lagu dhaawacay.
Dhagarqabayaasha lagu sheegay inay howlgalka ku dhinteen waxaa ka mid ahaa Axmed Macallin, Zakariye, Muuse Cumar iyo Macallin Khaalid.
Deegaanka Yasoomane ayaa sidoo kale lagu dilay 8 maleeshiyaad ah, halka laba horjooge oo lagu kala magacaabo Albaani iyo Bukhaari la sheegay inay ku dhaawacmeen duqeynta.
Guud ahaan, waxaa la fuliyey toddobo duqeyn oo lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugnaayeen horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa sii wadi doona howlgallada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna wiiqayo awoodda kooxaha argagixisada.
— DHAMMAAD —



0 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka oo howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan
WAR-SAXAAFADEED Taariikh: 14 Agoosto 2026 Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka oo howlgallo iyo duqeymo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan