Wasiirka Amniga oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Daraawiishta

0
Saturday August 15, 2026 - 14:27:37 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Daraawiishta

    Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta Soomaaliyeed.

Tababarka ayaa ciidamada lagu baray anshaxa iyo hab-dhaqanka ciidanimo, fulinta howlgalada khatarta badan, maaraynta hubka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, ciidamada ayaa la baray hababka gargaarka loogu fidiyo ciidanka iyo shacabka waxyeelladu kasoo gaarto goobaha dagaalka, iyo sidii ay si hufan uga howlgeli lahaayeen xaaladaha kala duwan.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo awoodda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u noqdaan ciidan isku duuban oo si wanaagsan u ilaaliya amniga, nidaamka iyo kala dambeynta.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta iyo anshaxa ciidanka, dhowraan sharciga, isla markaana waajibaadkooda qaran u gutaan si daacadnimo iyo masuuliyad leh.

1000004010.jpg
1000004009.jpg
1000004011.jpg
1000004012.jpg
1000004013.jpg
1000004014.jpg
1000004015.jpg

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip