Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Taliska Ciidanka Cirka Pakistan

0
Thursday August 06, 2026 - 14:05:44 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Taliska Ciidanka Cirka Pakistan

    Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Cirka Pakistan, halkaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Cirka Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Cirka Pakistan, Air Chief Marshal Zaheer Ahmed Baber Sidhu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari, horumarinta awoodaha Ciidanka Cirka, tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha iyo kor u qaadidda xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga iyo difaaca.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, iyo masuuliyiin kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip