Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

0
Sunday August 02, 2026 - 23:00:54 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

    Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın, Kaaliyaha Ciidanka XDS Gen.Madeey Nuureey Sheekh Ufuroow, Gudoomiyaha Maxkamadda c.q.s G/sare Xasan Cali Nuur Shute, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee Dowladda Koonfur Galbeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada dowladda Koonfur Galbeed iyo TURKSOM.

 

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda Baydhabo, isagoo bogaadiyey doorka Ciidanka Xoogga Dalka iyo TURKSOM ay ku leeyihiin tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, horumarinta awoodda difaaca dalka iyo xaqiijinta amniga shacabka.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha TURKSOM Brigadier General Mehmet Yasin Kalın ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan taageerada ay ku garab taagan yihiin Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo amniga, loona dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

 

Kulanka ayaa waxaa kala qeybgalay Hogaamiyaha Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud Madaxtooyada, siihayaha Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada iyo Saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

IMG_3404.jpeg
IMG_3405.jpeg
IMG_3406.jpeg
IMG_3407.jpeg
IMG_3408.jpeg
IMG_3409.jpeg
IMG_3410.jpeg
IMG_3411.jpeg
IMG_3412.jpeg
IMG_3413.jpeg
IMG_3414.jpeg
IMG_3415.jpeg
IMG_3418.jpeg
IMG_3416.jpeg
IMG_3417.jpeg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip