Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaa oo lagu beegsanayey xubno ka tirsan khawaarijta.
Intii uu socday hawlgalku, ciidamada Danab ayaa lagu dilay 9 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogihii hoggaaminayey, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey deegaanka ay ciidamada ka sameeyeen howlgalka.
Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in hawlgallada ka dhanka ah khawaarijta ay sii socon doonaan, isla markaana ciidamadu ay awood u leeyihiin inay gaaraan goob kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuumaalaysato kooxdu.

0 