Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Kulang la Yeeshay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun

0
Thursday July 16, 2026 - 21:31:26 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 11
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Kulang la Yeeshay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Urdun, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun, Sarreeye Gaas Yuusuf Axmed Al-Xuneyti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Urdun, ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun, Sarreeye Gaas Yuusuf Axmed Al-Xuneyti.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga gobolka iyo ballaarinta iskaashiga ciidan ee u dhexeeya labada dal. Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee dhinacyada ciidanka si loo xoojiyo awoodaha difaaca loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo soo bandhigay warbixin ku saabsan Ciidamada Qalabka Sida ee Boqortooyada Urdun iyo dhinacyada iskaashi ee lagu xoojin karo tayeynta iyo horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada iyo is-weydaarsiga khibradaha.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Urdun taageerada ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale sharraxaad ka bixiyay xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika, saameynta ururrada argagixisada iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya kula jirto kooxahaas, iyo guulaha isdaba joogga ah ee Ciidamada Qaranku ka soo hooyeen.

Kulanka waxaa ka qayb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Urdun, Abiib Muuse Faarax, iyo saraakiil sare oo ka kala tirsan ciidamada labada dal.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip