Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

0
Wednesday July 08, 2026 - 21:28:45 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

    Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ka fuliyey deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ka fuliyey deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana lagu dilay laba horjooge iyo 14 dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ah. Sidoo kale, ciidamada ayaa nolol ku qabtay laba horjooge oo kale oo ka tirsan Khawaarijta.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo qalab ciidan oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta u adeegsan jireen weerarrada iyo dhibaateynta dadka rayidka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadi doonaan howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta, si loo xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan dalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip