Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Bulshada degmada Ceeldheer

0
Tuesday July 07, 2026 - 13:14:45 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Bulshada degmada Ceeldheer

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa caawa kulan guud la q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa caawa kulan guud la qaatay bulshada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga, horumarka degmada, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay ka-qaybqaadashada shacabka ee geeddi-socodka doorashooyinka.

 

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku bogaadiyey shacabka degmada Ceeldheer taageerada ay u hayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dhankiisa ku ammaanay shacabka degmada Ceeldheer garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si loo dardargeliyo howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada loona xaqiijiyo amni waara.

6e32c2e1-47cd-422b-828b-9bf0ba816d49.jpeg
5a208673-6258-47f3-9512-9e8d312f6ad3.jpeg
ec480e4e-3f08-4641-be29-e8e464db0323.jpeg
8c8cbd4d-90c5-4c6b-93a4-00dc4ff71d0f.jpeg
b53470a0-3835-4fbf-b555-dea1dc735280.jpeg
0d0a1570-5ee6-49e9-91ea-cd730962ca9e.jpeg
97bf423e-6b43-43cc-99ae-e9efd1b16585.jpeg
18108521-f724-4586-8810-b013e7076e70.jpeg
afa787a9-ac64-4639-965b-59baa81b5974.jpeg
07c0d67e-5e62-40b9-9988-d3de15946abf.jpeg
58edb40c-1af8-4556-b7fc-94c2fbd7b60e.jpeg
fd4da133-3a46-450f-8205-99f142462915.jpeg
11573033-9cce-4278-848b-2fdb5adc27f3.jpeg
e8d57095-7086-4a4e-8c30-8fceb145ac30.jpeg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip