Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Kormeeray Ciidamada Ku Sugan Cadale

0
Wednesday July 08, 2026 - 21:13:53 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Kormeeray Ciidamada Ku Sugan Cadale

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka Ciidanka Qorilow, ee gobolka Shabeellaha Dhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka Ciidanka Qorilow, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ciidamada ku bogaadiyey dadaalka iyo diyaar-garowga ay ugu jiraan gudashada waajibaadka qaran, isagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan tababarka, anshaxa iyo u-diyaargarowga howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay xoojinta tayada iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyey inay ka faa'iidaystaan tababarka ay qaadanayaan, isla markaana ay muujiyaan feejignaan, isku-duubni iyo heegan buuxa, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee horyaalla.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidamada ku sugan Dugsiga Qorilow ay door muhiim ah ka qaadan doonaan howlgalada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixisada, isagoo xusay in diyaar-garowga socda uu yahay mid lagu xoojinayo awoodda ciidanka.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu jiraan dardargelinta diyaar-garowga gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyo xoojinta awoodda ciidamada ka hor wejiyada cusub ee howlgalada.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip