Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

0
Sunday June 21, 2026 - 20:39:39 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas oo lagu falanqeeyay warbixino iyo aragtiyo la xiriira horumarinta, dib-u-dhiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas oo lagu falanqeeyay warbixino iyo aragtiyo la xiriira horumarinta, dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka XDS.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka XDS, iyadoo xubnaha guddigu ay Taliyaha u soo bandhigeen warbixino iyo talooyin ku saabsan xoojinta awoodda Ciidanka iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-dhiska Ciidanka XDS.

 

Guddigan, oo ay ka tirsan yihiin saraakiil sare oo door muhiim ah ka soo qaatay dib-u-aasaaskii iyo hoggaamintii Ciidanka XDS kaddib burburkii dowladdii dhexe, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee lagu tayeynayo Ciidanka, si loo helo ciidan awood u leh gudashada waajibaadkiisa qaran ee difaaca dalka, ilaalinta madax-bannaanida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

 

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa faray guddiga inay sii xoojiyaan shaqooyinka, daraasadaha iyo talooyinka istiraatiijiyadeed ee ay wadaan, si loo xaqiijiyo yoolalka mudnaanta u leh dhismaha, casriyeynta iyo tayeynta ciidanka XDS

FB_IMG_1782036562480.jpgFB_IMG_1782036566781.jpgFB_IMG_1782036581844.jpg


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip