
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo dardargelinaya iskaashiga Ciidan.
Wafdi saraakiil ah oo ka socday Jamhuuriyadda Talyaaniga, kana koobnaa masuuliyiin sare oo dhanka milatariga ah, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Caasimadda Muqdisho, halkaas oo ay kulan muhiim ah kula yeesheen masuuliyiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.










Wafdiga dhinaca Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktariinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jen. Axmed Ciise, halka wafdiga Talyaaniga uu hoggaaminayay Col. Manuel Verdini.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada tababarrada, horumarinta awoodda ciidanka iyo wada-shaqeynta milatari ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Shirkan oo wajigiisii koowaad hore loogu qabtay dalka Talyaaniga, ayaa wajigiisa labaad lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay sidoo kale ka qeyb galeen Taliyaha Ciidamada Gaarka ah, Jen. Aadan Dheere, iyo saraakiil kale oo ka socday hoggaannada iyo talisyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee dhanka ciidamada, lana dardargeliyo wada-shaqeynta u dhaxeysa labada dal.












0 

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo dardargelinaya iskaashiga Ciidan.
Wafdi saraakiil ah oo ka socday Jamhuuriyadda Talyaaniga, kana koobnaa masuuliyiin sare oo dhanka milatariga ah, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Caasimadda Muqdisho, halkaas oo ay kulan muhiim ah kula yeesheen masuuliyiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soom