
Ciidanka Danab oo horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah ku dilay howlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe.
WAR-SAXAAFADEED
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Kumaandooska Danab, ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku badbaadiyeen dad rayid ah oo ay afduubteen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda ugu soo celiyaan sagaal qof oo ay afduub u haysteen argagixisadu, iyagoo sidoo kale dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjoogihii kooxda.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan Khawaarijta arxanka daran ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad, xasillooni iyo karaamo.


0 

Ciidanka Danab oo horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah ku dilay howlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe.
WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Kumaandooska Danab, ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku badbaadiyeen dad rayid ah oo ay afduubteen maleeshi