Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay

0
Tuesday April 21, 2026 - 19:16:04 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed XDS, ayaa socdaal dhulka ah ku tegay Degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed XDS, ayaa socdaal dhulka ah ku tegay Degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay. Ujeeddada safarka Taliyaha ayaa ahayd kormeer iyo u kuurgalid xaaladda geesiyaasha Ciidanka Degaanka ee ku sugan Degmada Bardaale.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray xerada Gaaska ee Ciidamada Bardaale, halkaas oo ay hore uga howlgali jireen guutooyinka Ciidamada Lugta iyo Madaafiicda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye Ibraahim ayaa tilmaamay muhiimadda istaraatiijiga ah ee xerada Gaaska Bardaale ay u leedahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay doorka ay ka qaadaneyso howlaha difaaca iyo sugidda amniga.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta howlgalada ka socda deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip